KENYA OO RAJO FIICAN KA MUUJISEY WAD-HADALADA SOOMAALIYA, KUNA DHAWAAQDEY TAARIIKHDA LA QANAB DOONO
Sida laga soo xigtey Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya, Marsden Madoka, dhammaan madaxda kooxa ka jira Soomaaliya iyo Dowladda Ku-meel Gaarka ah waxa ay u sheegeen guddigii shirka qaban-qaabineysay in ay ka soo qeyb-gali doonaan shirka dhawaan lagu qabanayo waddanka Kenya. Madoka waxa uu arbacadii u sheegay saxaafadda in shirka dib-u-heshiisiinta oo uu diyaarinayo uru-goboleedka IGAD lagu qaban doono magaalada Ceel-Doreed. Shirkaas oo socon doona laba usbuuc waxa uu bilaabmi doonaa bisha September 16da. Madoka waxa kale uu sheegey in sababta shirarkii hore ay u dhalin waayeen nabad ay ahyd iyadoo aan laga wada qeyb-galinin dhammaan dadka ay saameyso arimaha Soomaaliya, iyadoo madaxda kooxa qaarkood ay shirarkaas u dirayeen ku-xigeenadooda qaarna ayba diideen in ay ka qeyb-qaataan. Laakiin hadda ayuu yiri wasiirka waxa aad u sareysa fursadda uu shirkani uu ku najaxi karo sababtuna waxa ay tahay iyadoo Guddigii Farsamada ee IGAD ee booqdey Soomaaliya ay madaxda kooxaha ka heleen ballan qaadyo ku xiriira in ay dhamidood ka soo wada qey-gali doonaan. Guddiga Farsamadu waxa ay ka koobnaayeen wadamada Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Madoka waxa kale uu xusey in magaalada Nairobi lagu qaban doono Jimcaha soo socda shir heer wasiireed ah ooy ka soo qeyb-gali doonaan todobada waddan ee ku jira ururka IGAD, waxana shirkaas lagu ayidi doonaa fikradihii ku saabsanaa shirweynaha Soomaalida ee ay soo bandhigeen guddigii farsamada ee IGAD.
URURKA MIDOWGA REER YURUB WAXA UU MAR KALE CADDEEYEY IN UU TAAGEERAYO SHIRKA SOOMAALIDA EE URURKA IGAD UU WADO
Golaha Wasiirada ee Ururka Midowga reer Yurub waxa uu mar kale ku dhawaaqey in uu taageerayo Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee uu wado Urur Goboleedka IGAD. Shir Golaha Wasiirada ee Ururka Midowga Yurub uu yeeshay 22kii July waxa uu ku sheegay, (hadii ay habboonaato) tallaabooyinka laga yaabo in ururka reer Yurub uu qaado ay ka mid yihiin: in arinka Soomaaliya loo doorto Ergay Gaar ah, cunaqabateen lagu sameeyo shakhsiyaadka hor-joogsada hawlaha nabadda iyo kaalmo dhaqaale oo lala beegsan doono meelaha ay ku habboon yihiin. Uurka Midowga Yurub waxa uu sheegey haddii la dhiso maamul ay leedahay dowlad sal-ballaran oo loo dhan yahay oo lagu badelo Dowladda Ku-Meel Gaarka ah ee Carte in maamulkaas ay siin doonto kaalmo dhaqaale iyo mid farsamo. Isla markaas, Ururka Midowga Yurub waxa uu sii wadi doonaa in uu siiyo kaalmo taas la mid ah masuuliinta gobolada Soomaaliya ee ku ballan-galey ilaalinta nabadda, is-xukunka wanaagsan (good governance), dimoqraadiyadda iyo kuwa bulshada caalamka kala shaqeeya la dagaalanka argagixisada.
Ka dib markii dowr jeer dib loo dhigay, ayaa hadda la filayaa shir-nabadeed Soomaalidu u dhantahay in bisha September lagu qabto magaalada Ceel-Dureed ee waddanka Kenya. Shirkan waxa qabanqaabadiisa iyo maamulkiisa leh urur-goboleedka IGAD. Guddi Farsamo oo hormood ay ka yihiin wadamada Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa bishaan soo saari doona warbixin ka hadleysa ujeedooyinka shirka.
QARAMADA MIDOOBEY WAXA AY DHIB KA SHEEGANEYSAA GALITAANKA MEELO KA MID AH SOOMAALIYA TAASOO XANIBAAD KU KEENTEY HAWLIHII AADAMINIMO EE GOOBAHAAS AY KA WADEY
Sida Qaramada Midoobey ay sheegtey, amman daro ayaa hor joogsatey galitaankii lagu qaban lahaa hawlihii aadaminimo. Meelahaas waxa ka mid ah Baydhabo, Puntland iyo Muqdisho. War saxaafadda la qeybiyey, waxa Isu-duwaha Arimha Aadaminimo ee Qaramada Midoobey, Maxell Gaylard uu walaac ka muujiyey xaalka aadaminimo ee Soomaaliya ee sii xumaanaya, waxana uu yiri dadka Soomalida waxa horey ugu habsatey faqri daran, nafaqo xumo iyo iyagoo aan helin adeegyada daruuriga u ah nolol maalmeedkooda. Gaylard waxa uu intaas ku darey in kooxaha iska soo horjeeda iyo kuwa awooda maamul haya ay la habboontahay in ay masuuliyad weyn ka qaadaan daryeelka wadaniyeenatooda ooy joojiyaan dagaalada isla markaana muujiyaan in ay taageerayaan nabad dhiska.
War saxaafdeed’kaasi waxa uu sheegey in dagaaladii dhawaan ka dhacay Baydhabo ay ku dhinteen 20 qof oo ka tirsan shicibka iyo tiro taas la mid ah oo ka dhimatey maleeshiyada, halka dagaaladii ba’naa ee Puntland ka dhacay ay ku dhinteen 100 nin oo maliishiya ah, dagaals oo si buuxda u hor joogsadey socodkii hawlihii aadaminimo ee aaggaas. Gaylard oo hadalkiisii sii wata waxa uu sheegey in Muqdisho ay la timid mowjado af-duubyo ah oo si weyn u xayirey awooddii Qaramada Midoobey ay ku kaalmeyn lahayd 150,000 (Boqol iyo konton kun) oo ah dadka meelo kala duwan oo waddanka gudihiisa guryahoodii uga soo bara-kacay iyo kuwa dayacsan. Gabagabadii hadalkiisa waxa uu Gaylard uu sheegey in marka la eego waddanka oo dhan ilaa dhowr boqol oo kun oo qof ay yihiin kuwa ka soo barakacay aqaladoodii (IDP’s), taasoo sii xoojineysa baylahsanaantoodii.
HEYA’ADAHA GARGAARKE EE JOOGA ‘SOMALILAND’ MA LAHA ISU-DUWANAAN HABBOON
Warbixi uu dhawaan soo saarey xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Isu-duwidda Arimaha Aadaminimo ayaa sheegtey in Ururada Gargaarka ee Caalamigu aysan lahayn isku-xirnaan iyo isu-duwanaan habboon marka ay la tacaalayaan gargaarista dadka ka barakacay guryahoodii iyo kuwa ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga ee Jamhuuriyadda iskeed isku magacowdey ee ‘Somaliland’.
Waxa warbixintu intaas ku daretey in sababta koobaad ee mushkiladdan ay la xiriirto ay tahay iyadoo aan la aqoon hey’adda awoodda u leh iyo midda aan rukhsada u heysan in ay caawiso bulshadaas. Dadaalo la doonayo in lagu sameeyo guddi kala soocda arinkan ayaan weli lagu guuleysanin.
Sababtaas darteed, ilaa maanta ‘Kaalamada yar’ ee gobolkaas la geeyo waxa ay ahyd mid teel-teel ah. Taas macnaheedu waxa uu yahay in dad gaaraya 80,000 oo qof oo ‘Somaliland’ ku soo laabanaya labada sano ee soo socota ay bulshada walaac weyn ku hayaan, marka laga eego cadaadiska la xiriira dhibaatooyinka bulsheed iyo kuwa dhaqaale ooy saari doonaan masuuliinta iyo shicibka gobolka degen.
Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Isu-duwidda Arimaha Aadaminimo waxa ay ku tala baxshey in wixii gar-gaar ah ee haatan ka bacdi la siinayo dadka aqaladoodii ka bara kacay, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha ku dhow caasimadda ‘Somaliland’ ee Hargeysa laga hawl galo iyadoo lala tashanayo dadka soo barakacay laf-ahaantoioda. Xafiisku waxa uu tala bixinta go’aansadey ka dib markii uu helay dacwooyin sheegaya in gargaar loogu tala-galay dadka ka bara-kacay guryahoodii ay masuuliinta gobolku ay u wiicsheen meelo kale. Waxa kale ooy ku talsheen in loo baahan yahay hab lagu ilaalsho laguna qiimeeyo kaalmooyinka gargaar ah ee gobolka la geeyo.
KOOX JARMAL AH OO LA DAGAALANTA ARGAGIXISOOYINKA AYAA SHEEGTEY IN AY ARAGTI IYO FAHMAAD WAXTAR LEH KA HEYSTAAN ARIMHA SOOMAALIYA
Sida lagu sheegey war saxaafadd uu siiyey nin haatan jagadii shaqadiisa ka sii socda oo madax ka ah ciidamada Badda oo Jarmalka u qaabilsan la dagaalanka argagixisada, waxa kooxdiisu ay daboolka ka qaadeen waxyaabo muhiim ah oo laga yaabo in laga helo aragtiyo wax-tar leh oo ku xiriira Soomaaliya. Ninkaas oo la yiraa Helmut Zimmerman waxa uu haatan hogaaminayaa koox Jarmal ah oo ilaalisa Badweynta Hindiya. Zimmerman waxa uu magaalada Mombasa saxaafadda ugu sheegey in hadalkaas aanu wax kale ku dareynin, arimo ammaanka la xiriira dartood. Zimmerman waxa jagadiisa kala wareegi doona maalinta Jimcaha (16 August 02) hogaamiyaha shaqada soo gali doona R.W. Haag iyo koox cusub oo ka kooban 120 nin. Zimmerman waxa kale uu diiday in uu ka faaloodo wakhtiga ay dhammaaneyso hawsha ciidamada Jermalku ka hayaan Badweynta Hindiya. Waxa uu Zimmerman intaas ku darey in waajibaadka kooxdiisa ay ka mid tahay in Badweynta Hindiy ay ka baadi-goobaan jiritaanka kooxo fir-fircoon oo aragagixiso ah ama kuwa u kaalmeeya.
Sida ay sheegeyso wakaalada wararka ee AFP, intii aan la abuurin ciidamada Jarmalka qeybtan deggen Kenya, waxa Jarmalku Afrikada Bari u sii joogey ciidamo ka kooban 1,275 askari, saddex markab oo kuwa dagaalaka ah oo dheereeya, afar dooman’ka loo isticmaalo ilaalada oo laga gami karo gantaalada iyo afar booyadaha shidaalka laga qaato. Waxa intaas u dheeraa, xafiis ka kaalmeeya is-duwida hawlaha ooy Jabuuti ku leeyihiin. Ciidamada Badda ee Jarmalka iyo kuwa Ingiriiskuba waxa ay xeebaha Badweynta Hindiya joogeen laga bilaabo sanadkan bilowgiisii, waxana hawshoodu ay qeyb ka tahay jawaabta is-kaashi ee wadamo badan ay ka baxsheen weerarkii argagaxsnimo ee 11 September lagu qaadey Mareykanka.
This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions
Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.
We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.
Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.
Get the latest humanitarian news, direct to your inbox
Sign up to receive our original, on-the-ground coverage that informs policymakers, practitioners, donors, and others who want to make the world more humane.
Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.