1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia

WADAMADA SAFKA HORE OO SHEEGAY INAY KA MIDEYSAN YIHIIN ARINTA SOOMAALIYA.

[Guinea] A Liberian woman - an urban refugee - who works as a prostitute in Conakry, Guinea. IRIN
Nombreuses sont les femmes et les jeunes filles qui se prostituent pour nourrir leurs enfants
NAIROBI, 18 July (IRIN) – Wadamada safka hore la isku yiraahdo ee xuduuda la leh Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen inay ka mideysan yihiin dadaalka ay ku doonayaan in lagu guuleeysto wada hadalka nabada Soomaalida ee ka socda dalka Kenya, sidaasina waxaa lagu sheegay war ka soo baxay Wasaarada Arrimaha dibeda ee Kenya. Warkan ayaa waxa uu daba socday sida uu ku waramay Wasiirka Arrimaha dibeda Kenya Kalonzo Musyoka hadal dhawaan ay sheegtay saxaafada oo sheegayay in ay wadamada safka hore ee Kenya, Djibouti iyo Ethiopia ay ku kala qeybsan yihiin arrinta Soomaaliya. Wasiirku waxa uu sheegay in ay ku boorinayaan kooxaha Soomaalida ee shirka inaanay qaadin wax talaabo ah oo Qatar gelin kara wada hadalka oo haatan gaaray heer xasaasi ah. Kalonzo Waxa uu uu sheegay in Dawlada Kenya ay sii wadi doonto dhexdhexaadinta wada hadalada nabada Soomaaliya iyo Suudaan, isagoo mar kale sheegay in dawlada Kenya ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato ciidamo kasta oo nabad ilaalineed oo Soomaaliya la geeyo. Dhinaca kale waxa uu beeniyey wararka sheegaya in Kenya ay isku dayayso inay dhexdhexaadiso xiriirka aan fiicneyn ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia. Warbixin kale oo gaar ah ayuuna ku sheegay in Kenya marnaba aan la weydiisan inay dhexdhexaadiso labada wadan ee deriskeeda ah. [DHAMAAD]

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.

We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.

Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join