1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia

Wararkii Todobaadka ee IRIN Radio (22kii August 2002)

WASIIRO KA TIRSAN DOWLADAHA KU JIRA URUR-GOBOLEEDKA IGAD OO KA SHIRI DOONA NABADEYNTA SOOMAALIYA Wasiirada Arimaha Dibadda ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa la filayaa in ay dhawaan haaddii uu ugu soo hor maro Jimcha shir ku yeeshaan Nairobi si ay u sii diyaarshaan shirweynaha nabadeynta ee Soomaalida loo qaban doona dhawaan. Shirkani Kenya lagu qabanayo Jimcaha waxa markii hore la qorsheeyey in la qabto usbuucii hore. Saddaxdaas waddan waxa ururka IGAD uu awood u siiyey in ay hormood ka noqdaan diyaarinta shirweynaha nabadeynta Soomaalida. Marka ay Wasiiradu kulmaan waxa la filayaa in ay ka xaajoodaan warbixintii ay soo saareen guddigii farsamada ee dhawaanta booqdey meelo ka mid ah Soomaaliya. Dad ku hawloon geedi socodka nabadda Soomaaliya ayaa IRIN u sheegey in waxyaabaha kale ee Wasiiradu ay ka hadli doonaan ay ka mid tahay tirada dadka shirweynaha lagu marti qaadi doono, iyo iyagoo la filayo in wakhti kama dambeys ah u magacaaba qabashada shirka. Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya, Marsden Madoka ayaa usbuucii hore u sheegey saxaafadda in shirweynaha Soomaalida lagu heshiisiinayo lagu qaban doono magaalada Ceel-direed bisha Sebtember ee soo socota 16da. Hasa-ahaatee shirkani waxa la soo gudboonaadey dib u dhac badan. Guddiga farsamada oo ka kooban isla saddexda waddan ee hormoodka ka ah diyaarinta shirkan waxa loo xil saarey in ay soo diyaarshaan shuruudaha shirka looga soo qeyb-galayo, isla markaana ay soo gooyaan tirada dadka ka soo qeyb-galaya shirka. SHAKI LAGA MUUJIYEY SHIRWEYNAHA NABADDA EE SOOMAALIYA Madaxa Golaha wasiirada ee Buntiland, Ismaaciil Warsame ee dowladda uu madaxweynaha ka yahay korneel Cabdullahi Yusuf, ayaa IRIN u sheegey Talaadadii in Buntland ay ka walaac-santahay shirweynaha soo socda ee la doonayo in Soomilda lagu nabadeeyo isagoo ku sheegey in shirka lala deg degay. Waxa Warsame intaas uu ku darey waa in la sameeyo diyaar’garow ballaaran haddii la doonayo in waxa ka soo baxa ay noqdaan kuwa lagu guuleysto. Waxa kale oo Warsame ku tala baxshay waa in ururka IGAD ee qaban-qaabinaya shirku ay ergooyin kale oo badan ay u diraan Soomaaliya si ay dadka ugu soo sharxaan waxa shirkani ku saabsan yahay, waana in ay ka qeyb-galshaan dhamaan kooxa ururada bulshada ayuu yiri Warsame. Waxa kale uu Warsame walaac ka muujiyey in aysan cadeyn nidaamak iyo shuruudaha shirka looga soo qeyb-galayo. Arinkani waxa uu yimid iyadoo madax kooxeedyada deggan Muqdisho qaar ka mid ah ay ka muujiyen shaki weyn habka shirweyanaha loo qaban qaabinqaabiyey, shakigaas oo uu ku jirio in aan madaxada kooxa aan lagala tashan arimaha shirka. Maxamed Qanyare Afrax oo ku hadlayey magaca madax kooxeedyada kala ah Cusman Xasan Cali Caato, Cumar Maxamud Finish iyo Mowliid Macaane wuxuu yiri waa in la isku raaco dadka ka soo qeyb-galaya iyo ujeedooyinka shirka haddii la doonayo in shirku guuleysto. BUNTLANAD WAXA AY SHEEGTEY IN DILKII KU YIMID ODEY KA MID AH DUQOWDA DHAQANKA AANU ULA KAC U DHICIN Madaxa golaha wasiirada Buntland Ismaacil Warsame ee dowlad Goboleedka uu madaxada ka yahay Cabdullahi Yusuf ayaa Isniintii IRIN u sheegey in dilkii loo geystey mid ka mid ah madaxda dhaqanku uu u dhacay si aan ku tala gal ahayn. Suldaan Axmed Maxamud Maxamed oo loo yaqaaney Suldaan Hure waxa uu ka mid ah dadka ka soo horjeeda Cabdullahi Yusuf. Ismaacil Warsame waxa uu sheegey in Suldan Hurre uu ku dhex dhintey rasaas ay isku fureen ilaalada Suldaanka iyo ciidmo ka tirsan dowladda Buntland oo isku dayey in ay Suldaanka u soo xiraan arimo la xiriira xag-jirnimo lagu sheegey Suldaanka. Madaxa golaha wasiirada Buntland waxa uu leeyahay, dilka Suldaanku waxa uu ahaa mid u dhacay si aan ula kac ahayn, waana aan ka xunnahay in dilkaasi uu dhacay. Si kastaba ha ahaatee, wariye markhaati ka ahaa shilkaas oo codsadey in aan magaciisa la sheegin waxa uu IRIN u sheegey in dilka Suldan Hure uu ahaa mid si ula kac ah loo sameeyey. Waxa uu wariyahaasi soo sheegey in ciidamada miliishiyadu ay xabado ku fureen Suldaanka iyaddoo nimankii ilaalinayey Suldaanku aaney far dhaqaajin ka dib markii la wada hareereeyey dhamidood. URUR U DOODA XUQUUDA BAD-MAAXYADA AYAA KU BAAQAY IN WAX LAGA QABTO BAD-MAAXYO LAGU HEYSTO SOOMAALIYA Sida arbacadii laga soo xigtey wakaaldda wararka ee AFP, urur u dooda xuquuqda Bad-maaxyada adduunka ayaa ku baaqay in adduunku si deg deg ah u soo fara galsho sidii loo soo deyn lahaa lix Bad-maax oo u dhashay waddanka Joorjiya (Georgia) oo niman dabley ah ay ku af-duubeen gobolka Buntland ee Soomaaliya. Af-hayeen u hadley barnaamijka gargaarka ee Bad-maaxyada ayaa magaalada Mombasa ka sheegey in nolosha Bad-maaxyada la heysto ay maalinba maalinta ka dambeysa khatar sii noqoneyso. Waxa Af-hayeenku sheegey in uu helay warar sheegaya in Bad-maaxyadaas la qafaashay lagu hayo meelo kala duwan oo ku yaal tuulada xeebta saaran ee Bareda oo u dhow Boosaaso, waxa kale oo Af-hayeenku war ku helay in nimanka qafaashey Bad-maaxyada ay ku hanjabeen in ay dili doonaan Bad-maaxyada haddii aan la siinin lix boqol oo kun oo doolar oo ay madax furasho u weydiisteen. Bad-maaxyada waxa la qafaashay bishii July 30dii, ka dib markii la afduubey markabkii ay saarnaayeen oo ka diiwaan gashanaa waddanka Panama. Bishii na soo dhaaftey shirkad ceymis ah oo laga leeyahay waddanka Giriiga oo daboosha khasaaraha maraakiibta dagaalka ku yimaadda ayaa sheegtey in ay bixisay afar boqol oo kun oo doolar oo madax furasho ah oo lagu soo furtey 23 Bad-maax oo saarnaa markab ka diiwaan gashanaa waddanka Qubrus. Xafiiska Badaha ee Caalamku waxa uu maraakiibta uga digay in ay ku dhawaadaan xeebaha Soomaaliya, dhicitaanka maraakiibta ee soo kordhaya darteed. AF HAYEEN U HADLEY QARAMADA MIDOOBEY AYAA SHEEGEY IN MIDAB KALA SOOCU UU ADDUUNKA KU SII KORDHAYO Khabiir Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Xuquuqda Aadamaha ayaa sheegey in dunida manta ay ku sii kordheyso midab kala sooc iyadoo waddamo badan oo ka mid ah dowladaha horumaray ay sameysteen sharciyo adag oo ka soo horjeeda laajiyiinta. Warbixin todobaadkan Qaramada Midoobey ay soo saartey ayuu Maurice Glele-Ahanhanzo oo u dhashay waddanka Benin ku sheegey in nacaybka loo hayo laajiyiinta iyo dadka jinsigoodu ka soo jeedo Samatigga lagu xiriirin karo guusha ay gaareen xisbiyada dhinaca midig u janjeera ee xag-jira ee waqdama qaarkood. Ahanhanzo waxa uu intaas ku darey waxa kale oo dhici karta in midab kala soocaasi uu sababay weerarkii argagaxisnimo ee Sebtember 11dii Amerika lagu qaadey, kaasoo aad mooddo in uu sabab u noqdey dhaleecyn iyo cambaareyn ay wadamada qaar u soo jeedsheen Muslimiinta iyo Carabta oo loo arkey in ay gacan saar la lahaayeen argagaxisada. Warbixintu waxa ay intaas ku dartey in ay jiraan eedo badan ooy tirsanayaan dadka ka soo dhoofa wadamada soo koraya ee koonfurta ku yaal taasoo la xiriirta baaritaanada adag ee la marsiiyo marka ay u dhoofayaan wadamada horumaray ee woqooyiga ku yaal. Eedahaas waxa ka mid ah baaritaanada adga ee dadka ka yimaada koonfurta ay marsiiyaan qunsuliyadaha wadamda woqooyi iyo baaritaanka adag ee lagu sameeyo bixinta fiisaha dalalka woqooyi lagu galo iyo midab kala sooc marar badan ku dhaca laajiyiinta marka ay tagaan garoomada dayuuradaha ee wadamada woqooyi ku yaal.

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.

We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.

Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join