NAIROBI, 7 Oct 2003 (IRIN) – Haweeneey ka tirsaneyd saraakiisha Hey’adaha Gargaarka ayaa axadii dabley aan la aqoon waxa ay ku dileen Jamhuuriyada la magac baxday Somaliland, sida ay ku warantay hey’ada Qaxootiga u qaabilsan Qaramada midoobay.
Waxaa lag muujiyey argagax iyo naxdin dilkii loo geystay Annalena Tonelli, oo mudo 33 sano ah caawinaysay dadka saboolka ah ee Africa, waxa ay horaantii sanadkan haweeneydaasi ku guuleeysatay abaalmarinta ugu sareysa ee ay bixiso Hey’ada UNHCR taasi oo lagu siiyey dadaalkeeda ku wajahan dhibaatada Soomaaliya.
Dr Tonelli, oo u dhalatay Dalka Talyaaniga waxay ahayd da’deedu 60 sano, waxaana lagu toogtay Isbitaal ku yaala Borama, ilaa hadana lama oga sababta rasmiga ah ee loo toogtay, sida ay sheegtay warbixinta ay soo saartay Hey’ada UNHCR.
“Dhamaanteen hey’ada UNHCR waxaanu aad uga naxnay geerida Tonelli” sidaana waxaa yiri sarkaalka ugu sareeya Hey’ada UNHCR Ruud Lubbers, waxay ahayd ayuu yiri qof nafsadeeda u hibeysay caawinta dadka kale, iyadoo hawsheeda ka waday meelaha fog fog ee dhibaatada ka jirta aanu caalamku war ka hayn.
Bishii June Tonelli waxa ay ku guuleeysatay abaal marinta ugu sareeysa ee UNHCR oo la yiraahdo, the Nansen Refugee Award, taasi oo ay ku heshay 33 sano oo la shaqeysay Soomaalida, iyadoo ka bilawday Qaxootiga Sooomaalida ee ku noolaa Kenya, 1986 waxay u wareegtay Soomaaliya, halkaasi oo ay ka furtay dugsi lagu tababaro dadka dhagaha la’a, cisbitaal weyn oo isna lagu daweeyo Cudurka qaaxada iyo goob lagu xanaaneeyo dadka qaba cudurka AIDS-ka. Waxaana ay dadaal ugu jirtay ciribtirka caadada gudniinka fircooniga ah.
[DHAMAAD]
This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions
DAWNS Digest has been the trusted essential morning read for global aid and foreign policy professionals for more than 10 years.
Government, media, global governance organisations, NGOs, academics, and more subscribe to DAWNS to receive the day’s top global headlines of news and analysis in their inboxes every weekday morning.
Get the latest humanitarian news, direct to your inbox
Sign up to receive our original, on-the-ground coverage that informs policymakers, practitioners, donors, and others who want to make the world more humane.
Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.