1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia

Wararkii Todobaadka ee IRIN Radio (30 May, 2002)

ICG oo caalamka ugu baaqday in la taageero Soomaaliya Taageera baahsan oo caalami ah ayaa haatan loo baahanyahay si nabad looga dhaliyo waddanka Soomaaliya islamarkaana dib loogu dhiso waddankaasi. Waxaa sidan sheegtay kooxda International Crisis Group (ICG) ee fadhigeedu yahay magaalada Brussels. Warbixin ay ICG soo saartay oo ay kaga warantay Soomaaliya ayaa ay ku sheegtay in xiisaha caalamka ee Soomaaliya uu sii kordhay tan iyo 11-kii September , iyada oo xiisahan uu ku saleysan yahay in ay suura gal tahay in Soomaaliya ay gabaad u noqoto argagixisada caalamka. Warbixinta ICG ayaa sheegayso in ololaha la dagaalanka argagixisada ee uu Marekanku hoggaaminayo uu beegsanayo mustaqbalka dhow, balse dowlad la’aanta ka jirta Soomaaliya tan iyo intii uu qarankii burburay ay khatarta ugu wayn ku keeni karto caalamka iyo Soomaalida laftooduba. Dadaalka xaddidan ee waddanka gudahiisa laga wada ee lagu doonayo nabad ayaa waxaa caqabad ku noqday bay tiri ICG dagaalo u dhaxeeyo kooxaha is khilaafsan oo ay qarkood taageerayaan waddama ka tirsan Geeska Afrika. Dowladda Ku Meel Gaarka ah oo ay taageeraan dhowr waddan oo Afrikaan iyo Carab ah ayaa mar weliba uu iska horimaad dhexmaraa iyada iyo Golaha Dib u heshiisiinta iyo Dib u soo celinta Soomaaliya (SRRC) oo ay Ethiopia taageerto ayay tiri warbixintu. Khilaafka u dhaxeeyo labadan dhinac ayaa sii balaaranaya ayay tiri ICG, waxaanay intaasi ku dartay in xaaladdu isu rogi karayso dagaal buuxo haddii aan la helin dadaal goboleed iyo mid caalami ah oo arintan looga hortagayo. Ku tumashada xuquuqda aadanaha oo laga wada Soomaaliya Boqolaal qof oo shacab ah ayaa lagu laayay Soomaaliya sanadkii hore, iyaga oo ku dhintay dagaalada u dhaxeeyo beelaha iyo kooxaha iskhilaafsan sida ay ku sheegtay hay’adda Amnesty International warbixin sanadeedkeedi ugu dambeeyay. Hay’addaasi u dooddo xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in inta badan dhacdooyinkan ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya. Waxaa ay sheegtay in dagaalada qaarkood ay ka qayb qaateen ciidamada Ethiopia oo taageeraya Ciidamada Jabhadda Wax iska caabinta ee Raxweynta ee RRA. Haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay ayay sheegtay Amnesty International in ay ugu badanyihiin dadka xuquuqdooda lagu tunto. Waxaana ay intaasu ku dartay in xitaa mid ka mid ah kooxaha isku haya Soomaaliya uusan tix gelinin shuruucda caalamiga ah ee bani’aadminimada. Xukuno dil ah ayaa waxaa fuliyay bay tiri maxkamadaha Islaamiga ah oo iyagu weli jira inkasta oo ayan waafaqsanayn shuruucda caalamka ee ku saabsan qaadidda dacwad xaq ah. Xuquuqul qawlka ayay Amnesty International sheegtay in si wayn loo dhimay taas oo keentay in dad badan loo ciqaabo fikradda ay qabaan. Qarammada Midoobay oo ku baaqday xalinya khilaafaadka Soomaaliya Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa toddobaadkan walaac ka muujiyay xaaladaha ka sii daraya ee Soomaaliya iyo saamenta ay ku leeyihiin howlaha bani’aadminimadaee waddanka ka jira. War saxafadeed la soo saaray Isniintii ayaa Goluhu waxaa uu xusay muhiimadda ay leedahay in khilaafka lagu xaliyo si nabddoon iyo in caalamka laga helo taageero adag. Waxaa uu Goluhu ugu baaqay dhammaan kooxaha isku haya Soomaaliya in ay si nabad ah ku xaliyaan khilaafaadka u dhaxeeyo oo ay ka reebtoonaadaan rabshada. Waxaa kale oo uu ugu baaqay waddamada Gobolka Geeska Afrika ay diyaar u haadaan islamarkaana taageeraan nabad laga aslaaxiyo Soomaaliya. Golaha Ammaanka ayaa weydiiyay Urur Goboleedka IGAD in uu hore u wado shirka nabadeed ee Soomaaliya ee lagu wado in lagu qabto magaalada Nairobi. Dad Soomaali ah oo lagu xukumay Kenya 12 qof oo ka mid ahaa ilaa 21 qof oo oo Soomaali ah oo diyaarad ka soo qaadday Soomaaliya ay si sharci dara ah u soo gelisay waddanka Kenya ayaa shalay maxkamad ku taala Nairobi la soo taagay. Dadkaasi ayaa la horkeenay Makamadda sharciga ee Nairobi waxaana lagu dacweeyaya eedeymaha ay ka midka yihiin in ay waddanka si sharci dara ah ku soo galeen, in aysan wadanin wax dokumenti sharciyeysan ah iyo in ayan soo marin saldhigyada la aqoonsanyahay ee laanta socdaalka ee Kenya. Qareenka u doodayay dadkani oo lagu magacaabo Beneth Eboso ayaa maxkamadda ka codsaday in ay dadkani cafis u fidio maaddaama ay yihiin dad ka soo baxsanayay dagaala oo doonayay in ay naftooda badbaadiyaan. Soomaalidan oo toddobo ka mid ah ay dumar ahaayeen ayaa qirtay dembiyadaasi waxaana lagu xukumay ilaa 750 doolar oo ganaax ah oo haddii ay iska bixin waayaanna la xiro lix bilood. Waxaa kale oo lagu xukumay in marka ay ganaaxa bixiyaan ama muddada xarigga ah dhameystaan ay haya’dda Qarammada Midoobey ee Qaxootiga Qaabilsan UNHCR weydiistaan magan gelya oo ay ku biiraan xerooyinka qaxootiga ee ku yaala waddanka. Diyaaradda wadday dadkani ayaa 23-kii May si sharci dara ah ugu degtay Garoon yar oo ku yaala magaalada Yatta oo ilaa 60 kilomitir bari ka xigta Nairobi waxaana dhacadani dhalisay xiisad wayn. Suxufiyiinta aan Xadka La Hayn oo ka dooday xiritaanka SBC Suxufiyiinta aan xadka la hayn ayaa si wayn oga doodday xihritaanka la xiray shirkadda madaxa banaan ee Somali Broadcasting Corporation oo ay dhawaan xireen mas’uuliyiinta Puntland, waxaana ay ku baaqday in go’aankaasi dib looga noqdo si dhaqsa ah. Warqad ay cabdullahi Yusuf madaxweynaha Puntland u qoreen ayaa kooxdaasi caalamiga ah ee u dooda xuquuqda saxaafadda iyo suxufiyiinta ay ku sheegeen talaabadaasi ay dib u dhac wayn ku tahay tayada saxaafadda ee Gobolkaasi. Xoghayaha Guud ee Suxufiyiinta aan Xadka Lahayn Robert Menard ayaa sheegay in dhacdadani aysan ahayn tii ugu horeysay ee liddi ku ah Xoriyadda Saxaafadda ee laga fuliyo Puntland iyada oo saddex weriye halkaasi lagu xiray sanadkii hore. SBC ayaa shaaca ka qaadday 23-kii bisha May in hawada ka baxayso ka dib markii ay ka war heshay in masuuliyiinta ay kala noqdeen ogolaanshihi. Mid ka mid la taliyayaasha madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shirkaddaasi aysan haysanin ogolaansho ay ku baahiyaan wararka siyaasadda. Suxufiyiinta aan Xadka lahayn ayaa ka soo xigatay dadweynaha qaarkood in SBC loo xiray maaddaama Cabdullahi Yusuf ay waxyaaba uusan jeclayn ka sheegtay islamarkaana ka warantay howlaha Jaamac Cali Jaamac oo ah nin ay Cabdullahi Yusuf isku haystaan madaxtinimada Puntland.

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Get the day’s top headlines in your inbox every morning

Starting at just $5 a month, you can become a member of The New Humanitarian and receive our premium newsletter, DAWNS Digest.

DAWNS Digest has been the trusted essential morning read for global aid and foreign policy professionals for more than 10 years.

Government, media, global governance organisations, NGOs, academics, and more subscribe to DAWNS to receive the day’s top global headlines of news and analysis in their inboxes every weekday morning.

It’s the perfect way to start your day.

Become a member of The New Humanitarian today and you’ll automatically be subscribed to DAWNS Digest – free of charge.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join