DEG DEG
Ku: Tafatiraha Guud
Warka Adeega Radiyaha IRIN (18 March, 2003)
Warkan waxaa idiin soo bandhigaya Adeegga Raadiyaha ee IRIN ee Qarammada Middoobey, qaybteeda wararka aadaminimo. Balse wararkani mar walba kama tarjumayaan afkaarta Qarammada Midoobey. Fadlan soo xigta isha wararkani laga helay oo ah Adeegga Raadiyaha ee IRIN marka aad baahinaysaan qayb ka mid ah ama dhammaan wararkani.
Adeegga Raadiyaha ee IRIN
DHEX DHEXAADIYAHA OO SHEEGAY IN LA DHISAYO DAWLAD LOO WADA DHAN YAHAY OO FEDERAL AH.
Mbagathi (Nairobi), 18th March, 2003 (IRIN) – Dhexdhexaadiyaha wada hadalka Soomaalida Bethwel Kiplagat ayaa maanta (Talaado) sheegay in shirku si degdeg ah u bilaabi dhhismaha Dawlad Federal ah oo KMG ah oo loo wada dhan yahay, laakiin waxaa uu codsaday qaabkii loo dhisi lahaa.
"Hanaan ceynkee ah ayaanu u isticmaalaynaa dhisitaanka dawlad loo wada dhan yahay oo Soomaaliya ay yeelato?" ayuu yiri Kiplagat oo intaa sii raaciyey in hanaanku yahay mid muhiim ah, xaqiiqdiina qatar gelin kara wixii horumar ah ee ilaa iyo haatan la gaaray, hadii hanaankaasi mid qaldan uu noqdo.
Mr Kiplagat waxa uu yiri "waxaan jeclahay in dhamaanteen si qoto dheer aan uga fikirno sidii looga fogaan lahaa inay dhacaan khaladaadkii hore u dhacay.
Kiplagat waxa uu ka hadlayay kulan aan caadi ahayn oo shirweynuhu isugu yimid, kaasi oo uu ka danbeeyey kulan kale oo albaabada u xiran oo uu la yeeshay Gudiga Hogaamiyeyaasha, si kastaba ha ahaatee Kiplagat baaqii uu ujeediyey Hogaamiyeyaasha shirka ka maqan inay kusoo laabtaan talaadada ayaa u muuqda mid aan dhag loo dhigin.
Kiplagat waxa uu shirweynaha u sheegay in hawsha gudiyada farsamada ee lixda ah lasoo gabagabeynayo maalinta isniinta, waxaana dhexdhexaadiyaashu ay qaadanayaan shan ilaa todobo maalmood si ay u dhameystiraan warbixinada, una xaliyaan wixii iska horimanaya, ayuu yiri, markaasi oo warbixinada gudiyada
loo gudbin doono gudiga hogaamiyeyaasha iyo shirweynaha.
Gudiyada farsamada ayaa waxa ay hawshooda bilaabeen bishii December iyagoo ka shaqenayay arrimaha salka u ah khilaafka ka taagan Soomaaliya, gudiyada waxaa ka mid ah kuwo ka shaqeynayay nidaamka Federalka, Hubka dhigista, Xuquuqda dhulka iyo xalinta khilaafaadka.
Kiplagat waxa uu ka codsaday hogaamiyeyaasha kooxaha inay xushmeeyaan heshiiskii xabad joojinta ee ay saxiixeen bishii October, isagoo intaa raaciyey in wax kalsooni ah uusan lahaaneyn heshiiska nabada, hadii aysan tixgelin hogaamiyeyaashu balanqaadkooda. Kiplagat waxa uu sheegay in gudiga kormeerka xabad joojinta uu talaabo ka qaadi doono kuwa ku xadgudba
heshiiska, isagoo ku dhawaaqay magacaabista General Joseph Musomba oo u dhashay dalka Kenya sarkaalkaasi oo noqonaya qabiirka gudiga la shaqeyn doona.
Isagoo la hadlayay wakaalada wararka IRIN kadib shirkaasi, Gen Musomba waxa uu sheegay inuu rajeynayo in waaya aragnimadiisa diblomaasiyadeed iyo militeri ay ka caawin doonaan hawl wanaagsan inuu qabto, waxaana uu tilmaamay in taageerada Qaramada Midoobay loo baahanayo si loo xoojiyo xabadjoojinta.
DHAMAAD
This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions
Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.
We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.
Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.
Get the latest humanitarian news, direct to your inbox
Sign up to receive our original, on-the-ground coverage that informs policymakers, practitioners, donors, and others who want to make the world more humane.
Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.