1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia

GUDIGA KORMEERKA XABAD JOOJINTA OO DHALEECEEYEY DAGAALADA MUQDISHO KASOO CUSBOONAADAY

[Mozambique] Boy. IRIN
Millions of orphans represent a burgeoning crisis
NAIROBI, 6 March (IRIN) Gudiga cusub ee kormeerka Xabad joojinta iyo colaada ayaa war cad oo uu shalay (Arbaco) kasoo saaray Madasha shirka ku dhaleeceeyey, codaalada kasoo korortay meelo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan dagaaladii shantii maalmood ee ugu danbeeyey ka socday Degmada Madiina ee magaalada Muqdisho. Dagaalka kasoo cusboonaaday Magaalada Muqdisho oo u dhaxeeyey Maliishiyooyin kala taabcsan Hogaamiye kooxeedyada Muuse Suudi Yalaxoow iyo Cumar Maxamuud Maxamed Finish, ayaa waxaa lagu waramay inay ku dhinteen konton qof iyadoo ilaa boqol kalena ay ku dhaawacmeen. Warka uu soo saaray Gudiga kormeerka xabad joojinta iyo Colaada oo ka kooban Midawga Africa, Jaamicada Carabta, Midawga reer Yurub, mareykanka iyo Urur goboleedka IGAD, ayaa waxa ay kaga codsadeen dhinacyada dagaalamaya inay colaada si deg deg ah ku joojiyaan, isla markaana ay u hogaansamaan Heshiiskii joojinta colaada ee Hogaamiyeyaasha Soomaalidu ay saxiixeen bishii October ee sanadkii hore. "Gudigu waxa uu ku celinayaa go’aankiisa ah in talaabo ku haboon laga qaado Hogaamiyeyaasha iyo shaqsiyaadkla mas’uulka ka ah ku xadgudka heshiiskaasi” ayaa lagu yiri Warkaasi. Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray dagaalo iyo colaad kasoo cusboonaatay goobo ka mid ah Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Magaalada Muqdisho, Gobolada Waqooyi Bari, Bay, Bakool, Gedo iyo Shabeelaha Hoose. DHAMAAD

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.

We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.

Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join