GUDDIGA FARSAMADA OO SOOMAALIYA U SOCDA
Guddiga Farsamo ee Urur Goboleedka IGAD oo u xilsaaran diyaarinta shirka Nabadeynta Soomaalida ayaa lagu wadaa in ay Khamiista Soomaaliya u dhoofaan. Sarkaal ka tirsan Wasaardda Arimaha Dibadda ee Kenya ayaa IRIN u sheegey in guddiga oo ka kooban xubno ka kala socda Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ay booqan doonaan Kismayo, Jowhar iyo Beled-weyn. Guddigu waxa uu horey u booqdey Muqdisho iyo Baydhaba, laakiin Jabuuti kama aysan qeyb qaadan safarkii xaqiiqa raadiska ahaa ee bishii Abril ay gudigu sameysay iyadoo ay Jabuuti sabab uga ka dhigatey ka haristeeda in aanan diyaar-garow wakhti ku filan loo sameynin. Sarkaalka arimaha dibadu waxa uu yiri markan xubnaha Jabuuti wey ku jiraan guddiga. Waxa kale uu sarkaalku intaas raacshey in booqashada guddigu ay socon doonto afar maalmood iyagoo la hadli doona dad badan intii ay kari karaan taasoo lagu diyaarinayo wadahadalada nabadda oo noqon doona mid loo dhan yahay.
Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida waxa lagu wadaa in Nairobi lagu qabto bisha Sebtember ee soo socota, laakiin ilo ay IRIN la hadashay ayaa shaki galinaya qabsoomidda shirka sababna uga dhigay in diyaargarowgu u baahan yahay wakhti ka badan kan la haysto. Waxa ilahaasi ay farta ku fiiqeen, in guddiga farsamo oo laga doonayo in ay qeexaan shuruudaha looga qeyb-galayo shirka dib-u-heshiisiinta aysan weli soo saarin warbixintoodii. Khabiir ka tirsan gobolka ayaa isna sheegey in xaaladda qabsoomidda shirka ay sii wiiqeen dagaalada ka soo cusboonaadey meelo ka mid ah Soomaaliya dhowrkii bilihood ee la soo dhaafay.
IYADOO DAGAALADII BEYDHABA AYSAN WELI DHAMMAAN AYAA ODAYYAAL BEELEED AY KU TALSHEEN IN LAGA NOQDO KU DHAWAAQISTII DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR-GALBEED SOOMAALIYA
Dagaaladii ka socdey magaalada Beydhaba weli meysan joogsan, duqowda beesha ee dhex-dhexaadinayey khilaafaadka dhinacyada is haya waxa ay ku talsheen in la baa’biyo dowlad goboleedk Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dhawaanta laga dhisay aaggaas. Cali Marguus oo ah nin ganacsade caan ah isla markaana ah sarkaal sare oo ka tirasan guddiga dhex-dhexaadinta dagaalada Baydhabo ayaa IRIN u sheegey Talaadadii IN sabata ay guddigu u gaareen go’aanka ah in la baaba’sho dowladda Goboleedka Koonfur Soomaaliya ay tahay iyadoo arinkani uu xudun u yahay dagaalada iyo khilaafaadka haatan ka aloosan Beydhaba. Dabadyaaqadii usbuucii na soo dhaafey ayeey dagaaldu dib uga dhex qarxeen kooxo ka wada trisan RRA.
RRA’da oo ka talisaa gobolada Bay iyo Bakool ee ku yaalla koonfur-galbeed Soomaaliya waxa ay dhistey dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya dabaadigii bishii Maarso ee na soo dhaaftey, iyadoo guddoomiyaha RRA Korneel Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) madaxweyne looga dhigay maamul goboleedka cusub. Si kastaba ha ahaatee go’aankaasi waxa uu noqdey mid abuura kala qeybsanaan la xiriirta hogaanka oo dhex-marta madaxdii RRA. Arintaas oo keentey kala fogaansho weyn oo ku timid Shaati-guduud iyo labadiisii ku-xigeen Shiikh Aden Madoobe iyo Maxamed Ibrahim Xaabsade oo ka soo horjeestey, ugu dambeynna dhalisey daglaada kooxaha ee haatan ka taagan Baydhaba.
QARAMADA MIDOOBEY WAXA AY SHEEGTEY IN NUS MALYAN SOOMAALI AH AY U BAAHAN YIHIIN GARGAAR DEG DEG AH
Inkastoo roobab fiican ay ka da’een Soomaaliya sanadkan, haddana Qaramada Midsoobey waxa ay qiyaas ku bixisay in dad gaaraya nus malyan ay u baahan yihiin kaalmooyin la xiriira gar-gaarka deg degga ah. Xaalka laba boqol oo kun (200,000) oo qof oo ku nool koonfurta gobolka Gedo ayaa loo arkaa in uu ku jiro khatar weyn. Sida ay sheegeyso warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saareen guddiga haatan jira oo Qaramada Midoobey u qaabilsan Nafaqada, waxa uu muujinayaa in weli Soomaaliya ay ku sii socto aragtidii ahyd in Soomaaliya ay leedahay muuqaalka ugu xun ee aadaminimo ee adduunka. Warbixintu waxa ay dhibkaas ku eedaysay in ay sabab u yihiin, abooro xun, nabad-galyo la’aan sare oo ku timid dagaalada ka dhexeeya qabaa’ilka iyo ka maqnaashaha ay waddanka ka maqantahay dowlad dhexe. Warbixintu waxa ay intaas ku dartey in dhibka ugu weyn ee haatan hor-taagan wanaajinta xaaladda aadaminimo ay tahay nabad-galyo la’aanta daba-dheeraatey ee waddanka ku habsatey.
WAKIILKLA CUSUB EE XUQUUDA AADAMAHA AYAA DOONAYA IN UU QANCIYO DOWLADAHA ADDUNKA
Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Daryeelka Xuquuda Aadamaha, Sergio Viera de Mello ayaa ku ballan qaaday todobaadkan in uu mowduuca xuquuqda aadamaha u rogi doono ilo loo dhanyahay oo uu dowladaha adduunku ku dhacsiiyo muhimadda ay leedahasy daryeelka xoriyadda shicibku. Mudane Viera del Mello oo bisha Sebtember jagada kala wareegi doono haweenayda la yiraa Mary Robinson ayaa Talaadadii New York ka sheegey, intii karaan kiisa ah isku dayi doono in uu mowduuca xuquuqul aadmiga uu dowladaha iyo kuwa ku hawloon een dowliga ahynba uu dhacsiiyo in arinkani uu yahay gunno laakiin aanu ahayn cululeys dusha ka saran. Del Mello waxa uu hadalakaas ka yiri kulan lagu qabtey xarunta Qaramada Midoobey oo uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Middobey Kofi Annan ku soo dhaweeyey in uu saxaafadda kula hadlo.
Ilaa bishii May ee na soo dhaaftey intii ka horeysay Del Mello waxa uu madax ka ahaa maamulkii ku-meel gaarka ahaa ee Qaramada Middobey ay ka sameysa Bariga Timor. Markaas ka hor waxa uu muddo kooban uu ahaa wakiilka kofi Annan ee Kosovo, wakhti kooban waxa uu ku laabtey New York oo uu ka ahaa ku xigeenka arimaha Xuquuda Aadamaha ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey. Sida Qaramada Midoobey ay sheegtey, Del Mello laga soo bilaabo 1969kii xirfadda shaqadiisu waxa ay u badnayd hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR halkaaso uu uu ka helay khibrad badan oo wadamado kala duwan uga soo shaqeeyey. Hawsha xilkan oo socon doonta afra sano waxa uu bilaabi doonaa bisha sebtember ee soo socota.
This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions
Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.
We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.
Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.
Get the latest humanitarian news, direct to your inbox
Sign up to receive our original, on-the-ground coverage that informs policymakers, practitioners, donors, and others who want to make the world more humane.
Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.