Share & more
NAIROBI, 21 August (IRIN) – Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ayaa walaac ka muujiyey hubka iyo saanada kusii qulquleysa Soomaaliya.
Dareenkaasi welwelka leh ayaa lagu muujiyey warbixin uu akhriyey Fayssal Mekdad oo u dhashay Suuriya oo iminka heysa Madaxtinimada Golaha Amaanka, waxaana uusoo baxay kadib markii la dhageystay warbixinta gudiga cunaqabateynta ee Golaha.
Afarta xubnood ee gudiga Khubarada ah ee loo xilsaaray baaritaanka xadgudubyada cunaqabataynta hubka Soomaaliya, ayaa waxaa bishii September ee sanadkii hore magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay Kofi Annan, iyagoo talooyin siiya gudiga cunaqabateynta ee Golaha Amaanka.
Warbixintu waxa ay ku nuuxnuuxsatay in xubnaha Golaha ay mas’uul ka yihiin inay si buuxda u hirgeliyaan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
"[Goluhu] waxa uu mar kale ku celiyey baaqiisii ahaa in wadamada gobolka, kooxaha Soomaalida iyo wadamada kale ee ku lugta leh arrimaha Soomaaliya ay la shaqeeyaan kooxda Khubarada ah ee loo xilsaaray baaritaanka xadgudubka cunaqabateynta hubka Soomaaliya.
Ergo ka socota gudiga cunaqabteynta ayaana lagu wadaa in bisha October ay booqasho ku yimaadaan gobolka si ay usoo bandhigaan qorshaha ka go’an golaha ee lagu hirgelinayo cunaqabateynta hubka.
[DHAMAAD]
This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions