1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia

SHIRKA NABADDA OO GELAYA WEJIGA SADEXAAD

[South Africa] Nelson Mandela, former South African President. ANC
Nelson Mandela est un des rares personnalités africaines à avoir dit que le VIH avait affecté sa famille.
NAIROBI, 25 July (IRIN) – Qabanqaabiyeyaasha Wada hadalka nabada Soomaalida ee ka soconaya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in todobaadka soo socda uu dib u furmayo shirweynaha si loo soo gabagabeeyo wejiga labaad isla markaana loo gudo galo wejiga sadexaad ee ugu danbeeya. James Kiboi, oo ah Sarkaalka Gudiga farsamada IGAD u qaabilsan siyaasada iyo arrimaha diblomaasiyada ayaa IRIN u sheegay in axdiga KMG ah la soo hordhigi doono shirweynaha todobaadka soo socda si ay ergooyinku uga doodaan. Kiboi waxa uu sheegay in heshiis uu ka soo baxayo arinta la is ku khilaafsan yahay ee ku saabsan axdiga. “waxaanu heynaa 87 boqolkiiba waxaana hada ka shqeyneynaa 13 ka kale ee haray, waxaanu dooneynaa ayuu yiri marka aan u gudbino shirweynaha inaanu u helno heshiis macquul ah. Kiboi waxa uu IRIN u sheegay in marka la isku raaco Axdiga KMG ah, uu shirku u gudbi doono wejiga sadexaad ee ugu danbeeya, kaasi oo la rajeynayo ayuu yiri todobaadka soo socda. Wejiga sadexaad waxaa lagu dooran doonaa xubnaha Baarlamaanka qaabka 4.5 ee qabaa’ilka. Wejigan ugu danbeeya waxaa kale oo ku jiri doona arinta qeybsiga awooda oo noqon doonta mida ugu dhibka badan, sidaasina waxaa IRIN u sheegay mid ka mid ah ergada Soomaalida ee shirka ka qeybgalaya. "Hogaamiye kooxeed kasta iyo qabiil walba waxa uu doonayaa inuu qeyb weyn helo, waxaana ay qaadan doontaa dadaal badan sidii looga dhaadhacsiin lahaa inay qaataan wax ka yar waxii ay rajeynayeen. Gudiga farsamada IGAD waxa uu bilaabay inuu keeno madasha shirka hogaamiye dhaqameedyada, ayuu yiri Mr Kiboi, ilaa iyo hada waxaa la keenay 30 Hogaamiye dhaqameed, kuwa kalena waxaa la rajeynayaa todobaadkan dabayaaqadiisa. Kiboi waxa uu IRIN u sheegay in Soomaalidu ay kalsooni ka dareemeyso dhinaca dhexdhexaadiyeyaasha markii la keenay dhamaan hogaamiye dhaqameedyada sharciga ah ee Soomaaliyeed, dhamaana ay si is le’eg ay qabaa’ilku wax u qeybsadaan. Wejiga sadexaad oo ah midka u danbeeya waxa uu soconayaa sadex ama afar todobaad markaasi oo dawlada KMG ah la dhisi doono sida uu sheegay Mr. Kiboi. Wada hadalka nabada Soomaalida oo ka bilawday bishii October sanadkii hore magaalada dhinaca galbeed ku taala dalka Kenya ee Eldoret ayaa waxa loo soo wareejiyey Magaalada Nairobi bishii February ee sanadkan. (DHAMAAD)

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.

We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.

Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join