1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia

KIPLAGAT OO UGU BAAQAY HOGAAMIYEYAASHA TANAASULAAD IN LA SAMEEYO.

[Botswana] Poster from Botswana's ARV therapy programme. MASA ARV Programme
Poster from the Masa ARV therapy programme
NAIROBI, 01 July (IRIN) – Gudoomiyaha Gudiga Farsamada IGAD Danjire Bethwel Kiplagat ayaa sheegay in loo baahan yahay in tanaasulaad la isku sameeyo si loo soo afjaro shirka nabada dawladna loo dhiso Soomaaliya. Danjire Kiplagat waxa uu ka hadlayay munaasabad lagu maamusayay sanadguurada 43aad ee kasoo wareegtay xornimadii gobolada koonfurta Soomaaliya iyo is raacii labada gobol ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dadka shirka jooga ay daaleen, loona baahan yahay in xilligan laga gudbo waxayaabaha la isku maandhaafsan yahay oo uu yiri micno malaha tirada baarlamaanka inta ay tahay laakiin waxaa muhiim ah ayuu yiri in Soomaalidu ay dawlad sameystaan oo ay muujiyaan inay wada shaqeyn karaan. Mr Kiplagat waxa uu sheegay in dawlada ka dhalata shirka dib u heshiisiinta ay si deg deg ah caalamka uga heli doonto aqoonsi, dawlada Kenyana ay noqon doonto tan ugu horeysa ee aqoonsata maamulkaasi. Kiplagat waxa uu xusay in maalinta kowda Luulyo ay tahay maalin taariikh leh, misena dhinaca kale ay tahay murugo in Soomaaliya ay ku xusto maalinteedii xornimada dalka Kenya gudihiisa. Munaasabadaasi oo ay kasoo qeyb galeen Ergada shirka Mbagathi ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Hogaamiyeyaasha siyaasada qaarkood Col C/laahi Yusuf Ahmed, C/laahi Axmed Cadoow iyo Xasan Cabdulle Qalaad, kuwaasi oo ka waramay taariikhdii xoriyada Soomaaliya, iyadoo koox fanaaniin Soomaaliyeed ahna ay heeso iyo sugaan halkaasi kusoo bandhigeen. DHAMAA

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.

We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.

Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join