1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia
  • News

HORUMAR LAGA GAARAY SHIRKA ELDORET

[Mozambique] Carla Andiseni, a peer educator orphaned by AIDS, and Manuel Jose, one of the "graduates" of UNICEF's "My Future is my choice" programme. IRIN
The youth are vulnerable to HIV infection
HORUMAR LAGA GAARAY SHIRKA ELDORET Eldoret/ Nairobi, IRIN, November 26 Sadex qabiil oo ah kuwa waaweyn iyo qabaa’ilka yaryar ayaa gudbiyey Liisaska Magacyada dadkii uga qeybgali lahaa Xubnaha lixda gudi ee farsamo ee lagu wado in lagu dhiso wejiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Eldoret. Qabaa’ilka Hawiye, Dir, Digil-Mirifle iyo kuwa yaryar ayaa Liisaskoodii soo gudbiyey Isniitii, waxaana Warar ku dhaw dhaw Shirka ay u sheegeen IRIN in Qabiilka haray ee Daaroodka ay wada hadalo u socdaan. Lixda Gudi ayaa waxa ay kasoo talo bixin doonaan arrimo muhiim ah oo lagu soo qaaday shirka kuwaasi oo ay ka mid yihiin Dastuurka Hanaanka isu taga Dawliga ah ee Federalismka, Hub ka dhigista iyo arrimaha ku saabnsan dhulka iyo qodobo kale. Laakiin wejigan labadaa oo ay ahayd inuu mar hore bilawdo ayaa waxa hor taagnaa muran ku saabsanaa qaabka qeybsiga tirada ergooyinka, inkastoo todobaadkii lasoo dhaafay Gudiga Farsamada IGAD ay soo bandhigeen qaab loogu qeybsanayo ergooyinka hab qabiil si looga gudbo is marin waaga taagan. Mid ka mid ah dadka kormeeraya Qaabka shirku u socdo ayaa IRIN u sheegay in Jawiga Magaalada Eldoret uu ahaa mid rajo wanaagsan ay ka muuqato markii ugu horeysay muddo todobaadyo ah, waxaana uu intaa sii raaciyey inay jirto rajo ah in Gudiyada farsamo la dhisi doono ilaa dhamaadka todobaadkan, laakiin wararka kasoo baxaya soomaalida ayaa ah kuwo aad u muujinaya taxadar, taasi oo ay sheegayaan in waqti ay qaadan doonto magacaabista shaqsiyaadka gudiyada ka qeybgalaya. Mid kasta oo ka mid ah Afarta qabiil ee ugu waaweyn waxaa laga siiyey 30 xubnood gudiyada, halka qabaa’ilka laga tirada badan yahayna la siiyey 18. qabaa’il kasta ayaa laga doonayaa in xubnaha la siiyey lix ka mid ah uu siiyo qaar ka mid xubnaha qabaa’ilka oo matalaya Bulshada rayidka ah. DHAMAAD

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.

We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.

Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join