1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia

Dhex dexaadiyaha shirka wadahadalka soomaalida oo sheegay in laysku raacay hannaanka federaalka

[South Africa] Teresa and Simon. Both are HIV+, Simon also has TB. He is holding a photo of eldest sister who died three months ago, aged 14, probably of TB. The week after this photo was taken, an NGO put Simon on TB and later on ARV treatment and he is IRIN
Teresa et Simon sont tous les deux séropositifs et ont perdu leur soeur, probablement atteinte de tuberculose
Nairobi 12-ka may 2003 (IRIN) Dhex dhexaadiyaha wadahadalka nabadda soomaalida Danjire Bethwal kiblagat ayaa sheegay in laysku raacay meelihii khilaafku ka taagnaa hanaanka federaalka, isagoo sheegay in shirka uu dhowaan helayo talooyin iyo warbixino kuwaasi oo wadada u xaari doona maamul cusub oo KMG ah oo loo dhiso Somaliya. Mr. Kiblagat waxa uu ku sheegay waraysi ay maalinimadii jimcaha ahayd la yeelatay IRIN in dokumentiga ugu wayn uu noqon doono dastuurka, goor horena ay billaabeen kawada hadalka waxyaabaha gundhigga u ah ee ugu muhiimsan, isagoo sidoo kalana intaa raaciyay in uu arko talooyin la xiriira dastuurkaas. Kiplagat waxa uu tusaale u soo qaatay, in ay jireen heshiisyo gundhig ah oo la xiriira hannaanka dowladnimo ee federaalka, taasoo uu sheegay in laysku raacay waqti hore, iyo tan labaad oo ah in uu jiri doono baarlamaan lagu dhisayo waddanka Kenya, taasoo sal looga dhigayo hannaanka qabiil ee "Afar beelood iyo bar" 4.5, isagoo intaa raaciyay in ay haatan ka shaqaynayaan, faah faahin la xiriirta sidii wufuudda lagu soo dooran lahaa, maadaama uu jiri doono doorasho. Ambashatoorka waxa kaloo uu sheegay in aanay wax caqabad ah ka taagnayn qaybsiga musharrixiinta qabaa'ilada dhexdooda, balse dhibaatadu ay tahay qabiilka dhexdiisa, iyo sidoo kale rabitaanka dhabta ah ee musharrixiinta khaaska ah, isagoo intaa raaciyay in uu hadda billaabayo doodahaasi. Qaban qaabiyayaasha shirka nabadda Soomaaliya Kiblagat waxa uu intaa sii raaciyay in wajiga labaad ee shirka la soo gaba gabayn doono dhowaan ka dib marka la gudo galo shirwaynaha, lagana wada doodo is waafajinta talooyinka lixda guddi ee farsamo, iyadoo lixda guddi ee farsamana ay eegeen waxyaabaha salka u ah khilaafka Soomaalida, oo ay ku jiraan ismaamul goboleedyada, hub ka dhigista, xallinta khilaafaadka, dib u dhiska dhaqaalaha, iyo xuquuqaha dhulka. Guddiga farsamada ee ka shaqaynayay nidaamka maamul goboleedka, ayuu ergaygu sheegay in uu yahay guddiga kaliya ee aan isku raacin in ay gaaraan talo midaysan, halkii ay ka soo gudbin lahaayeen laba warbixin oo kala duwan. Iyadoo uu ergaygu sheegay in mid uu ahaa dowlad dhexe, halka kan kalana uu ka ahaa dowlad federaal ah, laakiin waxa uu tilmaamay in soo baxayo qorshe ku saabsan cod dheeri, kaasi oo ku salaysan fikrada guud. Ambasator Kiblagat waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan Qaar ka mid ah observarska, NgO-yada, iyo bulshada rayidka ahba ay iyaguna dadaal ugu jiraan sidii wax looga bedeli lahaa warbixinnada lixda guddi ee farsamo sida mowduucyada ku saabsan, hub ka dhigista, ka qaybgalka haweenka, iyo xuquuqda aadanaha, taasoo uu sheegay in la scopgarayn doonaa soo jeedimahaasi inta lagu gudo jiro shirwaynaha. Wax uu intaa raaciyay in sababtu shirwaynaha loo keenayaa arrintaana ay tahay, in shirwaynuhu uusan ahayn meel lagu af duubayo warbixnnadan , sidaasi daraaddeed ay jiri doonto waqti la siinayo qudbadaha iyo doodda, DHAMAAD

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.

We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.

Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join