1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia
  • News

KOOXDA QM EE BAAREYSA XADGUDUBKA CUNAQABATEYNTA HUBKA OO LOO KORDHIYEY WAQTIGA.

[Guinea] An AIDS awareness billboard in Laine refugee camp, Guinea. June 2004.
IRIN
"Est-ce que vous savez qui parmi vous a le VIH ?" interroge un panneau dans le camp de refugies de Laine
DEG DEG Ku: Tafatiraha Guud Warka Adeega Radiyaha IRIN (9 April, 2003) Warkan waxaa idiin soo bandhigaya Adeegga Raadiyaha ee IRIN ee Qarammada Middoobey, qaybteeda wararka aadaminimo. Balse wararkani mar walba kama tarjumayaan afkaarta Qarammada Midoobey. Fadlan soo xigta isha wararkani laga helay oo ah Adeegga Raadiyaha ee IRIN marka aad baahinaysaan qayb ka mid ah ama dhammaan wararkani. Adeegga Raadiyaha ee IRIN KOOXDA QM EE BAAREYSA XADGUDUBKA CUNAQABATEYNTA HUBKA OO LOO KORDHIYEY WAQTIGA. NAIROBI, 9 April (IRIN) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa amray in waqtiga loogu daro lix bilood oo dheeraad ah Kooxda Khubarada ah ee QM u qaabilsan baaritaanka ku xadgudubka cunaqabatanyta hubka ee Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan ayaa magacaabay bishii September sadexda xubnood ee kooxdaasi. Qaramada midoobay waxa ay cunaqabteynta hubka kusoo rogtay Soomaaliya sanadkii 1992, kadib markii halkaasi uu ka qarxay dagaalka sokeeye. Sida ay sheegeeyso war saxaafadeed ay soo saartay QM, go’aanka golaha amaanka waxa uu ka danbeeyey warbixin ay kooxdaasi khubarada ah ay soo soo saareen bishii aynu kasoo gudubnay, warbixintaasi oo lagu sheegay in si is daba joog ah loogu xadgudbay cunaqabteynta Hubka Soomaaliya, waxaana ay usoo jeedisay in goluhu fariin cad uu u diro dhamaan kuwa ku xadgudba cunaqabteynta wixii haatan ka danbeeya oo ay la kulmi doonaan talaabo sharciga waafaqsan Goluhu Amaanka waxa uu sheegay in kooxdaasi loo sameeyey inay si gaar ah u cadeeyaan kuwa weli kusii xad gudbaya cunaqabateynta hubka dalka gudihiisa iyo dibedaba iyo weliba taageerayaashooda. Goluhu waxa uu u ogolaaday kooxda inay si cilmiyeysan uga soo talo bixiyaan dhinacyada kale la xiriira xadgudubka iyo talaabooyinka lagu sii xoojin karo cuna qabateynta. "Taasi oo ay ku jirto in la sahmiyo abuuritaanka qaab farsamo oo la xiriirta kormeerida cunaqabateynta oo lala kaashanayo dadka ku nool wadanka gudihiisa iyo dibediisa, iyo in xiriir soke lala yeesho urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan midawga afrika” sida ay sheegtay warbixintu. Goluhu Amaanku waxa uu ugu baaqay dhamaan Soomaalida iyo qeybaha gobolka inay si buuxda ula shaqeeyaan kooxda khubarada si ay hawshooda ugu gutaan si wanaagsan, waxaana warbixintu ay ka dalbatay kooxda inay si dhaqso ah ula soo socodsiiyaan hadii lala shaqeyn waayo. DHAMAAD

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.

We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.

Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join