1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia
  • News

HESHIIKA XABAD JOOJINTA MUQDISHO OO HELAY SOO DHAWEYN TAXADAR LEH.

[Mauritania] Professor Marc Gentilini, chairman of the French Red Cross, inaugurating an AIDS treatment centre in Nouakchott, Mauritania, in December 1, 2004. IRIN
Le professeur Marc Gentilini, le président la Croix Rouge française, était présent à la cérémonie d’inauguration du CTA
HESHIIKA XABAD JOOJINTA MUQDISHO OO HELAY SOO DHAWEYN TAXADAR LEH. Nairobi, IRIN, December 3 Dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay heshiiskii Xabadjoojinta Muqdisho ee Isniintii la saxiixay. Wasiirka Warfaafinta Abdirahman Haji Adan Ibbi ayaa u sheegay IRIN inay sugayaan sida uu u hirgalo heshiiska, isagoo intaa sii raaciyey in Heshiiskan uu ka fursad wanaagsan yahay kuwii ka horeeyey maadaama ay ku wada jiraan dhamaan Hogaamiyeyaasha Kooxaha Siyaasada Muqdisho iyo Dawlada KMG ah. La Gudoomiyaha Golaha SRRC Hussein Mohamed Aideed ayaa isna IRIN u sheegay in heshiisku ahaa mid loo wada dhan yahay, uuna guuleysan doono. Waxa uu intaa raaciyey in dhibaatada Soomaaliya 80% ay ka taagneyd Caasimada Muqdisho, sidaa darteed uu muhiim yahay heshiiskan. Heshiiska Xabadjoojinta oo dhinacyada saxiixay ay ku heshiiyeen in Colaada la joojiyo ayaa waxa ay ku sheegeen in si wadajir ah ay ula dagaali doonaan Burcada iyo Maliishiyada Hubeysan . Heshiiska ayaa waxa wada saxiixay Dawlada KMG iyo Hogaamiyeyaasha Siyaasada ee Muqdisho Mohmed Qanyare Afrah, Musa Sudi Yalahow, Hussein Mohamed Aideed, Osman Hassan Ali Ato and Omar Mahmud Mohamed Finish. Dhinaca kale Gudiyadii Farsamada Shirka wejigiisa Labaad aayaa maanta bilaabaya hawlahoodii, kadib markii gudiga qabanqaabada IGAD ay sheegeen inay soo gabagabeeyeen liisaskii Xubnaha gudiyada Farsamada. Warar ku dhawdhaw shirka ayaa sheegaya in sadex ka mid ah gudiyada ay yeesheen kulamadoodii ugu horeeyey. Wasiirka Warfaafinta ee Dawlada KMG Abdirahman Haji Adan Ibbi ayaa sheegay in Dawlada KMG ah ay diiday inay ka qeybgasho, kadib sida uu sheegay markii Gudiga Qabanqaabada IGAD ay ka tageen qaar ka mid ah Xubnihii loo qoondeeyey Dawlada KMG ah, laakiin waxa uu intaa sii raaciyey in uu u filayo in arintaasi la xalin doono maanta ama beri. DHAMAAD

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.

We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.

Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join