Nairobi, May 22nd, 2003 (IRIN) – Ergo Xaqiiqo raadin oo ka kooban 21 xubnood oo ka kala socda Ururka midawga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD ayaa maanta (Khamiis) tagaya Magaalada Muqdisho, iyagoo halkaasi joogi doona mudo toban maalmood ah si ay u qiimeeyaan xaalada nabadgelyada Soomaaliya.
Ergadan oo uu hogaaminayo Joseph Musomba oo Jeneral u dhashay dalka Kenya, ayaa Wareysi ay IRIN la yeelatay waxa uu ku sheegay in kooxdiisu ay u qorsheysan tahay inay booqdaan Magaalooyinka Baidoa, Bossasso, Belet Weyne, Galkayo,Kismayo iyo Muqdisho, inkastoo uu raaciyey in safarku is bedeli karo. Musomba, oo isagu ku haray maanta Magaalada Nairobi ayaa waxa uu sheegay in mar dhaw uu kooxdaasi ku biiri doono.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed rasmi ah oo xaruunta shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Mbagathi ay kasoo saareen qabanqaabiyeyaasha shirka, ergadan xaqiiqo raadinta waxaa sidoo kale ku jira Kor joogayaal ka socda midawga Yurub, Jaamicada carabta iyo xubno ka tirsan Ergada Soomaalida.
Jeneral Musomba waxa IRIN uu u sheegay in ujeedada ergadu ay tahay sidii ay usoo uruurin lahaayeen, una soo xaqiijin lahaayeen xogta xaalada guud ee amaanka Soomaaliya, si loo fududeeyo qorshaha shirka nabada ee ku wajahan dhaqancelinta maliishiyooyinka iyo uruurinta hubka. Isagoo intaa raaciyey in ergadu ay shirka ka qaadayaan fariin rajo nabadeed ah oo ay u geynayaan dadka Soomaaliyeed.
Musomba waxa uu cadeeyey in gudigan xaqiiqo raadinta ah ee ugu horeeya uu wadada u sii xaarayo sidii loo geyn lahaa Soomaaliya kor meerayaal militeri oo ka socda midawga Afrika. Waxaana uu tibaaxay in aanu ogeyn inta ay la egtahay tiradooda, taasina ay ku xirnaan doonto sida uu yiri natiijada kooxda xaqiiqo raadinta.
Mar la weydiiyey wararka sheegaya in la codsanayo ciidamo nabad ilaalin oo ka socda Qaramada midoobay, waxaa uu sheegay in weli heerkaasi aan la gaarin.
General Musomba waxa uu qabiir u yahay Gudi caalami ah oo laga dhisay Mbagathi si ay u kormeeraan xabadjoojinta xabad joojinta aan adkeyn ee hogaamiyeyaasha kooxaha Soomaalida ay ku saxiixeen dalka Kneya bishii October ee sanadkii hore, taasi oo dhawr jeer lagu xadgudbay. Gudigaasi kormeerka xabadjoojinta ayaa sidoo kale hawlihiisa waxaa ka mid ah inuu kasoo tala bixiyo talaabooyinka laga qaadayo kuwa ku xadgudba xabadjoojinta.
Qaban-qaabiyeyaasha wada hadalka nabada Soomaalida ayaa waxa ay rajeynayaan in shirku kusoo gabgaboobi doono bartamaha bisha Juun, heshiis is faham leh oo nabadeed iyo dhisitaanka dawlad cusub oo KMG ah.
Si kastaba ha ahaatee, shirweynaha oo ay ahayd inuu soo gunaanado wejiga labaad ee shirka ayaa dib u dhac uu ku yimid, kaasi oo ugu danbeyn dhacaya maalinta Arbacada, markaasi oo shirku galayo wejiga sadexaad oo ah midka ugu danbeeya ee qeybsiga awooda, kaasi oo la filayo inuu xasaasi yahay.
DHAMAAD
This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions
Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.
We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.
Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.
Get the latest humanitarian news, direct to your inbox
Sign up to receive our original, on-the-ground coverage that informs policymakers, practitioners, donors, and others who want to make the world more humane.
Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.