1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia
  • News

GUDIYADA FARSMADA SHIRKA ELDORET OO HAWSHOODA SOO GABA GABEYNAYA BISHAN.

Map of Guinea-Bissau
Nairobi, January 14th 2002 (IRIN) Gudiyada Farsamada ee shirka Eldoret oo ka shaqeynayay arrimo muhiim u ah khilaafka ka taagan Soomaaliya ayaa soo gabagabeynaya hawlahooda bishan sida uu raga wararka fidiya u sheegay maanta (Talaado) Ergayga gaar ka ah ee Kenya u qaabilsan arrimaha Somalia Elijah Mwangale, taasi oo micnaheedu tahay ayuu yiri Mwangale in wejiga sadexaad ee wada hadalka oo ah qeybta awood qeybsiga ay bilaabato horaanta bisha Febraayo. Mwangale Waa Gudoomiyaha Gudiga Farsamada Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan shirka magaalada dhinaca galbeedka dalka Kenya ku taal ee Eldoret uga furmay Kooxaha Soomaalida 15 Bishii October ee sanadkii hore. Shirka ayaa IGAD waxa ay kala kulantay dhibaatooyin badan oo ku saabsan tirada ergooyinka ka qeybgalaya, waxaana Hogaamiyeyaasha Soomaalida qaar ka tirsan oo todobaadkii hore la kulmay Wasiirka Cusub ee Arrimaha dibeda Kenya Mr. Kalonzo Masyoka ay ku eedeeyeen Mwangale inuu shirka sidii uu doono u maamulayo. Mwangale ayaa waxaa magacaabay Dawladii hore ee dalka Kenya ee awooda lagala wareegay kadib doorashooyinkii dhacay Bishii December ee sanadkii hore. Mar la weydiiyey Mwangale inuu is casilayo waxa uu saxaafada u sheegay in hadii ay dhacdo sabab uu isku casilo, uu is casilayo, isagoo sii raaciyey “sababtoo ah waxaan ahay nin qadarin mudan” Mwangale waxa uu sheegay inay arinta dhabta ahi tahay inay jiraan dhibaatooyin badan oo hor taagan shirka, “mid waxa ay ahayd sidii lagu sameyn lahaa gudiyadan Farsamada iyo sidii ay si mideysan ugu wada shaqeyn lahaayeen Wadamada Jabuuti, Kenya, iyo Ethiopia. Mwangale waxa uu sheegay inuusan ilaa iyo hada heynin wax astaan ah oo Dawlada cusub ee Kenya ay ku dooneyso in isaga ay kaga tuurto xilka, “arinta ugu muhiimsan waa in shirka horey loo sii wado” ayuu yiri, isagoo intaa sii raaciyey “waa arin aad u dhib badan, wax kasta oo aan qabto iyo wax kasta oo uu sameeyo qofka Gudoomiye ka noqda hadii aan anigu ka tago meesha isku dhibaato ayaanu la kulmeynaa,” laakiin waxaa muhiim ah in shirka weli aanu wadno” ayuu yiri Mwangale oo ka hadlayay markaasi Shir Jaraa’id oo ku qabtay Xaruunta Wasaarada Arrimaha dibeda ee Magaalada Nairobi DHAMAAD

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.

We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.

Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join