1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia

HEY'ADA MSF OO KU BAAQDAY IN LA QAADO XANIBAADA DUULIMAADYADA

Drugs - Nevirapine.
NAIROBI, 27 June (IRIN) – Hey’ada caalamiga ah ee dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn MSF ayaa ka codsatay Dawlada Kenya inay ka qaado xanibaada dhamaan duulimaayada Soomaaliya, oo ay ku jiraan duulimaadyada bini’aadanimada. Kenya waxa ay xanibaada kusoo rogtay duulimaadyada taga Soomaaliya 20kii bishan June kadib markii Dawlada Mareykanka ay digniin ku bixisay weeraro argagaxiso oo macquul ah in lala beegsado safaaradeeda ay ku laadahay caasimada Nairobi. War ay soo saartay Hey’ada MSF ayaa waxa ay ku sheegtay in mamnuucida Duulimaadyada Soomaaliya ay hakad xun gelineyso hawlaha gargaarka bini’aadanimo ee Soomaaliya, taasi oo inteeda badan dhinaca hawada looga gudbiyo Nairobi. Inta badan hey’adaha gargaarka ee ka shaqeynayay Somalia waxa ay ku tiirsanaayeen duulimaadyada Qaramada midoonay iyo Xafiiska gargaarka bin’aadanimo ee gudiga reer yurub, si ay ugu gudbiyaan kaalmadooda dadka Soomaaliyeed ee u baahan. Hey’ada dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn waxa ay sheegtay in hadii aysan deg deg usoo laaban duulimaadyada, in barnaamijyada gargaar ee hey’ada MSF ee Soomaaliya oo ay ku jiraan sadex isbitaal iyo 14 xaruumo caafimaad ay go’doon noqonayaan. Iyadoo intaa ku dartay Hey’adu in ka hor Xanibaada duulimaadyada ay qorsheyneysay barnaamij lagu nafaqeynayo caruurta nafaqo daridu heyso, halkaasi oo tobankii maalmood ee ugu danbeeyey ay ku dhinteen 20 caruur ah nafaqo daro awgeed. Dhinaca Shirkadaha diyaaradaha ee qaada Jaadka ayaa iyaguna saameyn ay ku yeelatay xanibaadan. Himat Vaghela oo ah Agaasimaha Maamulka shirkada diyaaradaha Capital Airlines ayaa u sheegay IRIN in dhibaato ay kasoo gaartay mamnuucida duulimaadyada diyaaradahooda. Himat waxa uu sheegay in ay maalin walba shirkadooda ay laba diyaaradood oo Qaad ah geyn jirtay Soomaaliya, isla markaana ay doonayeen in mid sadexaad ay bilaabaan. “waxaanu maalin kasta luminaynaa todobo kun oo dollar oo qasaaro ah ayuu yiri” Himat. Dalka Soomaaliya ayaa maalin walba waxaa diyaaradaha Jaadka ka qaada dalka Kenya ay geyn jireen laba iyo labaatan kun oo Kiilo garaam oo Qaad ah. iyadoo ay qasaaro ku keentay mamnuucidan dadka ka ganacsada Qaadka iyo kuwa beera labaduba. [DHAMAAD]

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Get the day’s top headlines in your inbox every morning

Starting at just $5 a month, you can become a member of The New Humanitarian and receive our premium newsletter, DAWNS Digest.

DAWNS Digest has been the trusted essential morning read for global aid and foreign policy professionals for more than 10 years.

Government, media, global governance organisations, NGOs, academics, and more subscribe to DAWNS to receive the day’s top global headlines of news and analysis in their inboxes every weekday morning.

It’s the perfect way to start your day.

Become a member of The New Humanitarian today and you’ll automatically be subscribed to DAWNS Digest – free of charge.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join