Mbagathi (Nairobi) February 25th 2003 (IRIN)
Guddoomiyaha guddiga farsamada IGAD ee shirka soomaalida ee magaalada Nairobi, Bethwal Kiplegat ayaa maanta sheegay in guddi caalami ah uu kormeeri doono xabadjoojinta aan adkayn ee ay hore u saxiixeen hoggaamiyaasha kooxaha soomaalida.
Mr kiplagat waxa uu ka hadlayay kulan dib loogu furayay, shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee Nairobi, oo dhawaan laga soo raray Magaalada Eldoret oo uu ka bilawday bartamihii bishii October ee sanadkii hore.
Shirka ayaa furitaankiisu ay ka maqnaayeen Xubnaha Dawlada KMG iyo qaar ka mid ah Hogaamiyeyaasha Kooxaha, oo kasoo horjeeday madasha lagu qabanayo shirka oo ay sheegeen inaanay ahayn goob ku haboon deegaan.
Kiplagat waxa uu ka sheegay shirka inay la xiriireen qaramada midoobay, midowga afrika, jaamacadda carabta, iyo midowga yurub, kuwaasoo dhamaantood uu sheegay inay ballan qaadeen, in ay xubno ka noqonayaan, guddiga kormeeraya xabbad joojintii la gaaray 27-kii oktoobar 2002-dii, isagoo xusay in IGAD iyo dowladda maraynkuba ay xubno ka noqonayaan guddigaas.
Kiplagat waxa uu sheegay in uu guddiga ugu yeeri doono toddobaadkan in ay ka wada hadlaan tallaabada laga qaadanayo, kuwii jabiyay heshiiskii xabbad joojinta ee ay saxiixeen.
Mr Kiplagat ,ayaa caddeeyay in la gaaray waqtigii dib loo billaabi lahaa shirka, isagoo yiri “waa in gudiyadu ay howshooda billaabaan maanta ama berri, kuna soo dhameeyaan in ka yar saddex toddobaad” guddiyada farsamada ayaa howshooda billaabay horraanti bishii diseembar.
Wasiirka warfaafinta DKG, C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo khadka teleefonka ugu waramayay IRIN ayaa sheegay in ay shirka banaanka kasii joogayaan, ilaa laga siiyo degaan macquul ah. Xubnaha Dawlada KMG ah ayaa waxa ay degan yihiin Hotel ku yaala bartamaha magaalada Nairobi.
Kooxda G-8, oo ku sugan madasha shirka ayaa iyaguna qaadacay maanta inay ka qeybgalaan shirka, iyagoo dhinaca kale qoray warqad ay ugu baaqayaan Wasiirka Arrimaha dibeda Kenya Mr. Kalonzo Musyoka, in Dawlada Kenya ay maamusho shirka, dowladaha Ethiopia iyo Jabuuti ay faraha kala baxaan.
Hogaamiyeyaashu waxa ay sidoo kale qoraalkooda kaga cawdeen qaabka loo qeybiyey ergooyinka iyo madasha shirka oo ay ku tilmaameen inaanay ahayn goob ku haboon shirka.
DHAMAAD
This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions
Our ability to deliver compelling, field-based reporting on humanitarian crises rests on a few key principles: deep expertise, an unwavering commitment to amplifying affected voices, and a belief in the power of independent journalism to drive real change.
We need your help to sustain and expand our work. Your donation will support our unique approach to journalism, helping fund everything from field-based investigations to the innovative storytelling that ensures marginalised voices are heard.
Please consider joining our membership programme. Together, we can continue to make a meaningful impact on how the world responds to crises.
Get the latest humanitarian news, direct to your inbox
Sign up to receive our original, on-the-ground coverage that informs policymakers, practitioners, donors, and others who want to make the world more humane.
Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.