1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia

SHIRKA NABADDA OO AY HAKAD GELIYEEN QORSHAYAALKA QAABKA BAARLAMAANKA

[Senegal] Three talibes make the most of the traffic lights being on red - 
Children begging on the streets of Dakar. IRIN
Talibes make the most of the traffic lights being on red
Mbagathi (Nairobi) June 26th 2003 (IRIN)Wada hadalka Nabada Soomaaliyeed ee iminka ka soconaya dalka Kenya waxa ay Qatar ugu jiraan inay burburaan hadii aan xal laga gaarin xulashada iyo tirada Baarlamaanka mustaqbalka, sidaasina waxaa ku digay shalay mid ka mid ah hogaamiye koxeedyada. Isagoo ku hadlayay magaca kooxda isbahaysatay ee la yiraahdo G8, ayaa hogaamiye kooxeedka fadhigiisu yahay Muqdisho Maxamed Qanyare Afrax waxa uu u sheegay IRIN in kooxo gaar ah oo ogolaansho aan la sheegin ka heysta xubnaha gudiga farsamada IGAD ay soo jeediyeen 450 xubnood in laga dhigo tirada baarlamaanka, kuwaasi oo saldhig looga dhigayo 361 ergo ee shirka. "Tani ma aha wax aanu aqbali karno," ayuu yiri Qanyare. "Soomaaliya kama bixi karto tiro intaa la’eg oo xildhibaano ah." Waxa uu sheegay in Kooxdiisa G8 ay soo jeediyeen tiro dhexe oo ah 275. Qanyare waxa uu sheegay in fikrada ah in ergooyinka sal looga dhigo dhisitaanka baarlamaanka cusub aanay ku jirin heshiisyadii hore. Waxa uu ku dooday in hanaanka xulashada lagu soo daro odoyaasha dhaqanka, iyadoo lala tashanayo hogaamiyeyaasha siyaasada. Qanyare waxa uu ka digay “ qorshe qarsoon” oo sida uu yiri ay wataan qaar ka mid ah gudiga farsamada IGAD ee shirka, kaasi oo uu sheegay in hadii lagu sii adkeysto tirada 450 ah ay u hogaamineyso shirku inuu burburo. Wada hadalka nabada Soomaaliyeed oo bishii October sanadkii hore ka bilawday Magaalada Eldoret ayaa waxa maamulaya Gudi farsamo oo ka socda urur goboleedka IGAD kaasi oo isugu jira wadamada la isku yiraahdo safka hore ee Ethiopia, Kenya iyo Djibouti. Dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa iyana ka soo horjeeda qorshahaasi, Wasiirka warfaafinta Abdirahman Haji Ibbi ayaa u sheegay IRIN in tirada 450 aysan suurto gal ka ahayn Soomaaliya, mana u keeni karno dadkeena iyo wadamada iskaashigu naga dhaxeeyo ayuu yiri.waxaana sidoo kale kasoo horjeednaa ayuu yiri fikrada ah in 361 ergo ay noqdaan xubnaha Baarlamaanka. Xubno ka tirsan Ururada bulshada ayaa iyaguna kasoo horjeestay qorshahaasi Asha Haji Ilmi iyo Abdullahi Mohamed Shirwa oo labaduba ka mid ah xubnaha bulshada rayidka ah ayaa sheegay in tiradaasi aanay Soomaaliya waxba kusoo kordhineyn balse ay dhibaato dhaqaale iyo mid siyaasadeed u keeneyso. Golaha SRRC oo ah koox kasoo horjeeda Dawlada KMG ah ayaa la sheegay inay u ololeynayaan qorshaha tirada 450ka in laga aasaaso 361 ergo ee shirka joogta, si kastaba ha ahaatee, Ismail Warsame oo ah sarkaal ka tirsan ismaamul goboleedka la magac baxay Puntland isla markaana xubin ka ah Golaha SRRC ayaa IRIN u sheegay in uu dib u dhiganayo ka hadalka arintaasi waqti xaadirkan. DHAMAAD

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Get the day’s top headlines in your inbox every morning

Starting at just $5 a month, you can become a member of The New Humanitarian and receive our premium newsletter, DAWNS Digest.

DAWNS Digest has been the trusted essential morning read for global aid and foreign policy professionals for more than 10 years.

Government, media, global governance organisations, NGOs, academics, and more subscribe to DAWNS to receive the day’s top global headlines of news and analysis in their inboxes every weekday morning.

It’s the perfect way to start your day.

Become a member of The New Humanitarian today and you’ll automatically be subscribed to DAWNS Digest – free of charge.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join